1 lUjeeddadayadu waa inaan hirgelinno bartii ugu horreysay oo Af-Soomaali ah oo barnaamij xirfadaysan ku shaqeynaysa, si gaar ahna loogu talogalay inay adeegsadaan bulsho waynta Soomaaliyeed si kor loogu qaado adeegsiga internetka ee dadyowga Af-Soomaaliga ku hadla. Waxaan rabnaa inaan bulshada Soomaaliyeed isu soo dhoweyno annagoo adeegsanayna gole xiriir bulsho oo si joogto ah oo hal-abuur leh si fudud loogu isticmaali karo luqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska. Barnaamijka waxaa loogu talagalay in loo isticmaalo adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin wada xiriirka, wadaagista macluumaadka (Farriimaha qoraalka ah, sawirrada, codka, summadaha iwm), diyaarinta munaasabadaha, la falgalka qofka barnaamij kale isticmaalaya, codaynta iyo xayaysiinta.
2 l Waxaan adeegsadayaashayada u fududeynaynaa inay iskood wax u sameystaan annagoo adeegsade kasta u oggolaanayna inuu sameysto magaca adeegsiga ee uu doorto, eray-hoosaad u gaar ah iyo sawirka xogkoobka ee uu rabo. Adeegsade kasta wuxuu soo gudbin karaa sawirro, wixii cusub, muuqaallo, waxqabad iwm isagoo qofku xukumi kara wax kasta oo looxiisa yimaado. Qaybta Xogkoobka ee barnaamijka waxaa ku jiri doona macluumaadka soo socda – xogta shaqsiga ah/ Xogo kale, Waxbarashada, Meheradda, Xirfadaha, Ganacsiga, Himilooyinka, Xiriirka / Qoyska, Baalka Dahabka ah. Waxaan xaqiijinaynaa in dadka Af-Soomaaliga ku hadla ay boos ku yeeshaan Bulshooyinka Khadka ku xiriira oo ay si xornimo ah u wada xiriiraan, u wada hadlaan, wax u falanqeeyaan, u qabanqaabiyaan munaasabado khadka la iskula xiriirayo, sheekooyinkoodana afkooda hooyo ugu sheegaan sidii iyo markii ay doonaan.
3 lWaxaan adeegsade kasta ka rajaynaynaa inuu sameysto tusmo aqoonsigiisa dhabta ah wadata oo ay ka fogaadaan inay soo diraan, dadka kale la wadaagaan ama ay dhex muquurtaan wax kasta oo sharciga ka hor imaanaya.
5 lAdeegsade kasta Baal Dahab lacag la’aan ayuu ku furan karaa, hase yeeshee waxaa dhici karta in cinwaanada qaar ay lacag yihiin, kuwaas oo xaqiijintooda ay adeegsadaha u gudbin karto farriin adeeg bixiyaha ka timid oo u sheegaysa lacag bixin. Sidaa awgeed, adeeggu wuxuu yeelan doonaa heerar xubinnimo oo kala duduwan kuwaas oo kala ah:
Cinwaan aasaasi ah (waa lacag la’aan)
Cinwaan Dahab ah (Waa lacag)
6 lHeerarka asaasiga ah wax lacag ah qofka loogama baahna, hase yeeshee xubinnimada dahabka ah lacag ayaa la bixinayaa. Marka la bixiyo lacagta la xiriirta xaqiijinta adeegsadaha loo dallacsiiyay Dahabka ee kor lagu sheegay, barnaamijka ayaa markiiba xaqiijiniya cinwaanga qofka. Haddii la xaqiijin waayo, nidaamka ayaa midabka heerka xaqiijinta Guduud ka dhigaya, taas oo caddeyn u ah in cinwaanka aan loo dallacsiin Dahab.
7 lAdeegsade kasta saaxiibo ayuu golihiisa ku darsan karaa, wuuna diidi karaa codsiga saaxiibtinnimada, ka heli karaa ama kama heli karo qoraallada iyo sawirrada, diyaarin karaa munaasabadaha, samaysan karaa bog u gaar ah iwm. Bog kasta oo ay ku jiraan waxyaabo sharci darro noqon kara ama bulshada wax u dhimi kara waa in markiiba la soo sheegaa. Mas’uuliyiintu waxay xannibi karaan wax kasta oo aan la jeclaysan oo halis ku noqon kara nabadda iyo baraaraha qof gaar ah ama bulshada oo dhan.
8 lAdeegsade kasta waa loo sheegayaa marka uu qof wax u soo diro, marka qof uu faallo bixiyo, uu wax ka helo, wax ka heli waayo, dadka wax la wadaago, uu golihiisa ku lammaaniyo ama qof wax u gaar yeelo.
9 lAdeegsade kasta si fool-ka-fool ah ayuu qofkuu doono ula sheekeysan karaa Baal Dahab dhexdiisa. Si loogu fududeeyo adeegsadaha, qeybta sheekeysiga waxaa laga dhigi karaa WAAN JOOGAA, HA I RABSHIN, MA JOOGI, MASHQUUL iwm.
10 lAdeegsade kasta wuxuu lahaan doonaa waabtiisa Dahabka ah (sida Waabteyda Kooxda Ciyaarta Dahabka, Waabteyda Jaamacadaha Dahabka, Waabteyda Shirkadaha Dahabka, Muusiggayga Dahabka, Filimadayda Dahabka, Ciyaar-gacmeedkayga Dahabka, Taariikhahayga Dahabka, Quraan Akhriyayaashayda Dahabka, Gabayaagayga Dahabka, Qoraalladayda Dahabka, Xusuusahayga Dahabka, Safarradayda/goobahayga Dalxiis ee Dahabka ah iyadoo adeegsaduhu uu kala dooran karo in aagaggaas Dahabka ahi ay gaar u ahaadaan ama uu saaxiibbadiis/dadweynaha la wadaago.
11 lKooxdayada kabistu waxay arki karaan anshax xumada Baal Dahab dhexdiisa ka dhici karta sida; buunbuuninta sharci darrada ah, musuqmaasuqa, si xun u isticmaalka adeegga iwm, iyadoo haddii loo baahdo la qaadi doono tallaabooyinka lamahuraanka noqda.
12 lKooxdayada Cilmi-baarista & Horumarintu (R&D) waxay u kuur-galaan falgalka, falcelinta, iyo dabeecadaha adeegsadaha iyagoo si joogto ah ugu dadaala inay isticmaalka adeegsadaha ka dhigaan mid mar kasta sidii hore ka wanaagsan kana fahmo badan.
13 lXeerkayaga gaar-ahaanshuhu wuxuu xaqiijiyaa in macluumaadka shakhsiga ah ee adeegsade ksata ay isaga kaliya ku koobnaadaan, wuxuuna xeerku adeegsade kasta u oggolaadaa inuu sawirrada, wixii markaas cusub, waxyaabaha ku jira aagga Dahabka ah iwm uu u kala saaro inay ku koobnaadaan aniga kaliya, saaxiibbada ama dadweynaha isagoo rabitaankiisa ku salaynaya.
14 lGacmo aammin ah ayay ku jiraan dhammaan xogahaaga shakhsiga ah ee aan kaa hayno, oggolaanshahaaga la’aantiisna cid kale lama wadaagayno magacaaga adeegsiga, eray-hoosaadkaaga ama sawirkaaga xogkoobka.
15 lWaxaan Bulshada Soomaaliyeed ugu ballan qaadaynaa inaan u fidin doonno bulsho xiriirinta ugu haboon ee Af-Soomaali ku salaysan. Waxaan rajaynaynaa in qof kasta oo xubin ka ah Baal Dahab uu si haboon u adeegsado barta xiriirinta bulshada oo ay ka go’naato ku dhaqanka waxyaabaha soo socda:
Adeegsiga magac la mid ah magaca uu sida caadiga qofku nolol-maalmeedkiisa u adeegsado.
Bixinta macluumaad shakhsiyeed oo dhab ah runtana ku salaysan
Adeegsade kasta inuu sameysto hal xisaab ah oo isaga/iyada u gaar ah
In adeegsaduhu ka fogaado sameysiga xisaabo been-abuur ah
16 lXubin kasta waa inuu ka fogaadaa inuu bogga ku soo rido waxyaabo burburin loogu talogalay iyo cayayaano (viruses) iyo wax kasta oo bulshada dhibaato u keeni kara.
17 lWaa inaysan jirin wax dhiirrigelin kara xad-gudbka Xuquuqda Hanti Garaadeedka ee dadka kale.
18 lWaan saari doonaa wax kasta oo ku xadgudbaya xuquuqda iyo ammaanka dadweynaha.
19 lHaddii aan ogaanno in xisaab gaar ahi ay si joogto ah ugu dhaqaaqdo falal aan caadi ahayn oo sharci darro iyo waxyeellayn ah, waxaa laga yaabaa inaan qaadno tallaabooyin aan xisaabtaas ku xirayno.
20 lAdeegsade kasta waa xiri karaa ama hakin karaa oo haddana dib u furi karaa xisaabtiisa marka iyo sida uu isagu doono.
21 lDhammaan Xuquuqaha Baal Dahab waxay u kaydsan tahay Albadri Media Services. Xaqa dib u soo saarista ama hirgelinta barnaamij muuqaaleedka waxaa iska leh Albadri Media Services oo kaliya.